Kniha Shiicada Cabdulqaadir Cabdulle Diini

Shiicada

Jazyk: Somálčina
Väzba: Brožovaná
Vydavateľ: Diini Publications
Dostupnosť: Skladom u dodávateľa
Odosielame za 14-21 dní
9.99
Ogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eeg...

Informácie o knihe

Jazyk
Somálčina
Väzba
Kniha - Brožovaná
Vydalo
2023
Stránok
150
EAN
9780957318090
ISBN
095731809X
Enbook ID
46773018
Vydavateľ
Hmotnosť
221
Rozmery
140 x 216 x 9

Kompletný popis

Ogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eego aqoonta yar ee ay ummadda Muslimka ahi u leedahay, gaar ahaan bulshweynta Soomaaliyeed. Sidoo kale, faafitaanka xawliga ku socda ee caqiidada iyo siyaasadda Shiicada, kuwaasoo ku fidaya xoog iyo xeelba, ayna daadihinayaan dawlad, waa Iiraane, iyo shacabkeedii oo isku duuban, waxay u baahan yihiin baraarug iyo feejignaan ilaa heer ummadeed ah.

Qormadan kooban waxay isku dayeysaa inay wax ka bidhaamiso jawaabaha weydiimahan soo socda:

- Waa maxay sooyaalka Shiicada?

- Maxay bulshada shiicada ahi rumeysan tahay?

- Waa sidee qaab-dhaqankooda siyaasadeed iyo midka diineed ee ay dadka Muslimiinta, Sunniga ah kula dhaqanto?

- Ma jirtaa wax xog ah oo la cuskan karo oo muujineysa jiritaankoodii Geeska Afrika iyo Soomaaliya?

Cilmi-baaris la sameeyey, si jawaab loogu helo isweydiimahaa kor ku xusan, waxay soo bandhigeysaa taariikhda madow iyo caqiidada silloon ee kooxda shiicada. Sidoo kale, qorshaha dahsoon ee ay dawladda Shiicada ee Iiraan u degsatey sidii ay u shiiceyn laheyd bulshada Muslimiinta, Sunniga ah. Dhanka kalena, dibindaabyada sir iyo saaqba leh ee ay ka dhexwaddo Muslimiinta. Waxa kale oo ay qormadu wax ka tilmaameysaa sooyaalkii shiicada ee Geeska Afrika.


KU SAABSAN QORAAGA:

CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Hadda wuxuu ku hawllan yahay sidii uu u soo saari lahaa labo buug oo cusub oo mid ka mid ahi yahay sheeko ku saabsan qiso run ah oo dhacday.

Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Zákazníci, ktorí si kúpili túto knihu, kúpili tiež

18.63

Traces of Light

Ann Cooper Albright
24.41
7.05

Inez

Augusta J. Evans
30.00
11.17
22.55

Publications, Issue 30

United States Hydrographic Office
36.18
11.27

Indole

Clorinda Matto de Turner
10.49
13.13